War Deg Deg;-Dagaal Dib Kaga Qarxay Magaaladda Laascaanood

0

Magaaladda Laacaanood ee Gobolka Sool waxaa saakay dib kaga qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidamadda Somaliland iyo kuwa dadka Deegaanka.

Sagaal maalin oo xiriir ah ayay magaalada Laascaanod martigalisay dagaal culus ay barbar socdeen madaafiicda lagu garaacayay magaaladda.

Shalay Magaaladda ayaa xaaladeeda daganeyd waxaa la xaqiijiyay in wax xabad ah laga maqlin,balse saakay ayaa la xaqiijiyay in magaaladda uu dib kaga qarxay dagaalka labadda dhinac ay barbar socdaan madaafiicda culus ay adeegsanayaan ciidamadda Somaliland.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka saakay dib kaga qarxay Magaaladda Laascaanood,iyo kuwii maalmihii hore ka dhacayay Magaaladda.

Xaaladda Magaaladda Laascaanood ayaa u muuqata mid faraha ka baxday,waxayna dhinacyadda magaaladda isku haya ay sheegayaan in midba mid kale uu jabiyay xabad joojinta islamarkaana dagaalka uu isaga  wado.

Somaliland oo markii hore ku dhawaaqday xabad joojinta ayaa dagaalka Laacaanood ku eedeysay dhinacyo isbahaystay,waxayna xalka Laacaanood u xilsaartay dhaqanka Somaliland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya,Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in joojiyo dagaalka Laascaanood,islamarkaana lawada hadlo.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka labadda isbuuc ka socda Magaaladda Laascaanood ayaa la ogeyn khsaaraha ka dhashay madaama magaaladda la duqeynayo,ayna adagtay in la tago.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here