Midowga yurub oo joojiyey Maanta Deeqihii uu siin jiray dowlada Soomaaliya

0

Ururka midowga yurub ayaa maanta shir ay ku yeeshteen magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka  waxaa ay ku sheegeen in la joojiyey taageeradii tooska aheyd ee ururku uu siin jiray dowlada soomaaliya.

Warsaxaafadeed laga soo saaray shirkaasi ayaa lagu go’aamiyey in wixii ka dambeeya maanta dowlada soomaaliya laga jaray teegeeradii ay ka heli jireen ururka midow yurub.

Waxaan soo gabagabeynay hishiiskii dowlada soomaaliya aan la galnay sanadkii 2013-kii bishii September , hishiiskaasi oo dhigayey in wixii taageera ah sitoos ah loo siiyo dowlada soomaliya.

Midowga yurub waxaa ay sidoo kale sheegeen in aan la joojin doonin taageerada ay siiyaan howl-galka Amisom ee ka socda dalka, iyo deeqaha soomaliya loo soo marsiiyo  urur goboledka Igad iyo xafiiska qaramada midoobe ee soomaaliya Unsom.

Ururku waxaa kaloo oo uu soo dhaweeyey hishiiskii dhawaan ka dhacay muqdisho ee lagu go’aamiyey nuuca doorasho ee soomaaliya ka dhici doonto marka la gaaro bisha August ee sanadkaan 2016.

Dowlada soomaaliya oo hada ku jirta mushkilado siyaasadeed waxaa u suurta gashay in ay hirgaliso nidaamka federaalka oo ay dowlada ka hirgalisay maamul goboleedyo ku meel gaar ah.

Midowga yurub waxaa ay ka mid yihiin deeqbixiyaasha sida weyn u taageera dowlada soomaaliya waxaana ay qeyb ka yihiin midowga yurub, ururada bixiya musharadka howl-galka Amisom ee soomaaliya ka socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here