Wadooyinka Muqdisho oo Saakay Xiran,Wafuud Soo Gaaraysa Magaaladda

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Maanta iyo bari ay xirnaan doonaan wadooyinka Magaaladda muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha Diyaaradaha aadan cadde.

Saraakiil ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in wadooyinka muhiimka ah ee Magaaladda muqdisho,iyo garoonka aadan Cadde ay kasoo dagayaan Wafuud kala duwan ay xirnaan doonaan,islamarkaana dib loo furi doono maalinta khamiista ee todobaadkaan.

Sababaha loo xiraayo wadooyinka Magaaladda muqdisho ayaa lagu sheegay shir laba maalin soconaya oo Muqdisho ay isugu imanayaan wasiirada Gaashaandhigga dalalka; Kenya, Jabuuti, Uganda, Burundi iyo Itoobiya, kuwaas oo ah dalalka ay ciidamadooda ka howlgalaan Soomaaliya.

Shalay waxaa magaaladda Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayay wasiirka Gaashaandhiga Dalka Jabuuti waxaana garoonka diyaaradaha muqdisho kasoo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa furi doona shirkaan oo loogu hadlaayo kaalinta ciidamadda wadamada ay ka joogaan Soomaaliya ee dagaalka Al-shabaab, iyo qorshaha la wareegista ciidamadda Dowladda Soomaaliya guud ahaan amaanka dalka, iyo bixitaanka Ciidamada ATMIS.

Saakay waxaa xiran inta badan wadooyinka muhiimka ah ee Magaaladda muqdisho,waxaana shacabka loo ogolaanayaan in wadooyinka lug ku maraan si ay u gaaraan goobahooda shaqada.

Shacabka Magaaladda ayaa dhibaatooyin kala kulma xirnaanshiyaha wadooyinka Magaaladda muqdisho,xiliyadda ay imaanayaa wafuuda caalami ah.

Madaxweynaha haatan taladda haya Xasan Sheekh ayaa dowladdii Farmaajo ku dhaliili jiray xirnaanshaha wadooyinka intii uu dibadda ka joogay Madaxtooyadda, isagoo haatanna qaaday dhabihii uu hore u dhibsan jiray sanado ka hor.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here