Mareykanka oo Ku Dhawaaqay $40M oo Wax Lagaga Qabanayo Abaarta Soomaaliya

0

Safiirka dalka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, Linda-Greenfield Thomas oo Axaddii booqatay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqday afartan milyan oo dollar ($40M) oo kaalmo dheeri ah, oo wax lagaga qabanayo abaarta dalka ka jirta.

Haweeneydan oo gelinkii dambe ee shalay ka hadleysay Xarunta Qaramada Midoobey ee Caasimadda Muqdisho ayaa dalalka deeq bixiyeyaasha ugu baaqday inay Somaliya siiyaan gargaar degdeg ah, si looga gacan-siiyo dadka qarka u saaran macluusha laga digayo.

Waxay ka digtay in la waayo taageerada ay Somaliya u baahan tahay, haddii kalena ay taasi guul darro weyn ku noqon doonto beesha caalamka.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa haweeneydan la wadaagay digniintooda ku aaddan in waxyeelada ay gaysaneyso abaartan ee dhanka dhimashada ay ka badan karto abaartii sanadkii 2011, oo ay ku dhinteen laba boqol iyo konton kun (250,000) oo qof, taas oo loo aqoonsaday abaartii ugu dhimashada badneyd ee Somaliya soo marta, muddo 60 sano ah.

Washington ayaa gargaarka Somaliya bixisay boqolkiiba sideetan (80%), iyada oo ku taageertay ku dhawaad hal bilyan iyo bar oo dollar ($1.5B), tan iyo bilowgii miisaaniyad sanadeedkii 2022.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Linda-Greenfield Thomas ayaa la wadaagay guulaha Ciidamada Dowladda ay ka gaareen furimaha dagaalka ee kooxaha argagixisada iyo xoreynta deegaanada. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gacanta weyn ee uu Mareykanku ka gaysanayo dagaalka ay dowladdiisu kula jirto kooxahaasi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabateynta hubka ee saaran Somaliya dib-u-dhiska ciidamada iyo dedejinta dabar-goynta ee kooxaha argagixisada, waxa uuna ka rajeeyay Danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha Dowladda Soomaaliyeed ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qayb ka noqdaan ololaha Somaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Linda-Greenfield ayaa noqonaysa masuulkii ugu horreyay ee ka tirsan Golaha Hoggaanka Mareykanka ee booqda Somaliya, tan iyo sanadkii 2015.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here