Dhageyso:-Howlgal Lagu Bur Burinayay Boorarka Afka Qalaad oo Maanta Ka Bilowday Magaalada Muqdisho

0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya ku bilowday Howlgal lagu burburinaay boorarka afafka qalaad ku qoran kadib amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Gaashaanle Maxamed Xasan Macoow Taliyaha Qeeybta Booliska Ee Wiliyoow Cadde oo maanta saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya ayaa sheegay in ay bilaabeen howlgal lagu burburinaayo boorarka ku qoran afafka qalaad Kadib amar kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed Xasan Macoow Taliyaha Qeeybta Booliska Ee Wiliyoow Cadde waxa u sheegay in howlgalkaan burburinta boorarka loogu talagalay in dib loogu soo celiyo Magaalada Muqdisho boorarkii ku qornaa afka hooyo ee soomaliyeed boorarkaas oo ahaa kuwa inta badan la aqoosansan jiray.

Dhanka kale Gaashaanle Maxamed Xasan Macoow Taliyaha Qeeybta Booliska Ee Wiliyoow Cadde ayaa sheegay in shacabka Gobolka Banaadir ay la fahmeen ujeeedka burburinta boorarka sidaas darteed dhawaan ay soo gaba-gabeyn doonaan burburinta boorarka.

Dhawaan ayay aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf xuseen Jimcaale oo sheegay in aan muqdisho lagu arki Karin boorarka ku qoran afafka qalaad

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here