Taliye ku xigeenkii DANAB Xasan Tuure oo ku geeriyooday weerar lagu qaadday GalcadTaliye ku xigeenkii DANAB Xasan Tuure oo ku geeriyooday weerar lagu qaadday Galcad

0

Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar ku billawday qaraxyo lagu soo raray Gawaari ku qaadday Magaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Magaaladan oo dhowaan laga qabsaday Al-shabaab waxaa ku sugnaa Ciidamada Dowladda Federaalka & Dadka deegaanka ee iskaashanaya.

Weerarka kadib waxaa dhacay Dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho, dhaawac & burbur hanti, kaas oo soo kala gaaray labada dhinac dagaallamay.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay AHUN Taliye ku xigeenka Ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac dheer (Xasan Tuure), waxa uu kamid ahaa saraakiisha hoggaamineysay howlgalka lagu qabtay Galcad & deegaanno kale.

Taliye Xasan Tuure waxaa la geeriyooday qaar kamid ah Ilaaladiisa inkasta oo aan faah-faahin rasmi ah laga bixin in uu ku dhintay qaraxyada iyo in uu ku naf waayay dagaalka tooska ah ee xigay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here