Dowladda Soomaaliya oo Xirtay Akoono Shabaab Lacago Loogu Shubi Jirey

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo lagu yareenayo lacagaha Al Shabaab ka qaataan ganacsatada iyo dadka kale ee Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku guuleesatay in la xiro  250 akoono bangi iyo 70 Lambaro oo lacago loogu shubi jiray Al Shabaab.

“In ka badan 3kun oo kamid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa lasoo xiriiray dowladda (lambaradii hore loo baahiyay) kuwaasi oo usoo gudbiyay xogo ku aadan dhaqaalaha Al Shabaab ay sida xooga ah uga aruursaneysay dadka Soomaaliyeed. Natiijada horudhaca ah waxay suurta-galisay in la xayiro 250 Akoon, waxa sidoo kale macluumaadka ka yimid dadka Soomaaliyeed uu suurta-galiyay in la xanibo 70 Telefoon oo ah kuwa loo arkayay in kooxda ay u isticmaaleysay lacagaha sharci darada ah ee ka boobto dadka.” ayuu yiri Al Cadaala.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay socdaan baaritaano iyo kala shaandheynta akoonada iyo numberada la xanibay, waxa uuna uga mahadceliyay shacabka Soomaaliyeed sida ay ula wadaageen xogta Al Shabaab .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here