Qaraxyo Ka Dhacay Degmooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmooyinka Buula Burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Qaraxyadda ayaa loo adeegsaday baabuur qaraxyo laga soo buuxiyay,sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Maamulka Hir-shabeelle.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii ku shahiiday qaraxyadii ay Al Shabaab ka geysteen degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo Burde.

Madaxweynaha ayaa sheegay in weeraradii qaraxyada ahaa ee Al Shabaab ka geysteen Magaalooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ay ku dhinteen dad shacab ah, waxa uuna tilmaamay in Al Shabaab ay cadow ku yihiin nolosha dadkeena iyagoo hadaf ka dhigtay xasuuqa iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Cali Guudlaawe ayaa xusay in la joogo waqtigii si wadajir ah loo ciribtiri lahaa Al Shabaab deegaannada Hirshabelle iyo guud ahaan dalka, waxa uuna xusay in hadda gabi gabo ku dhaw yihiin jiritaankooda.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay degmooyinka katirsan Hiiraan in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, inta dhaawaca ahna uu Eebbe caafimaad deg deg siiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here