Waxaa maanta baaqday Kulankii Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta lagu waday in uu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
kulanka maanta ayaa xildhibaanadda loogu qeybin lahaa sharciga Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka, oo dhawaan la horgeeyay Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka , Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa kulanka markuu baaqday kaddib hadlay ayaa digniin adag u diray xildhibaanada aan kasoo qeyb gelin fadhiyada baarlamaanka.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay maqnaashaha badan ee xildhibaanada golaha shacabka ay curyaamineyso shaqadii looga fadhiyay xildhibaanada, waxa uuna ugu baaqay xildhibaanada in ay gutaan waajibaadkooda kana soo qeyb galaan kulamada baarlamaanka
“Sidaan haddii uu kusii socdo Baarlamaanka ma shaqeyn karno. Xildhibaanada waxaan u sheegayaan inay ka waantoobaan inay ka maqnaadaan shaqada, ma’aha in sharciga innoo yaallo lagu ciyaaro, waxaana dirayaan farriintii u dambeysay,” ayuu yiri Aadan Madoobe.

