Midiwga Afrika ayaa war ka soo saaray talaabada ay shalay ciidmadda dowladda oo garab ka helaya Ciidamadda deegaanka ku qabsadeen degmada Aadan Yabaal oo eheyd saldhigga ugu weyn Shabaab ee gobolka Sh.Dhexe.
Taliyaha Kumeel gaarka ah ee ATMIS Sarreeyo Guuto Keith Katungi ayaa sheegay iney aad usoo dhaweynayaan qabashada degmadan, isagoo ku amaanay ciidanka dowladda dhabar adeyga ay u muujinayaan iney shacabka ka dulqaadaan Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in Atmis ay kaalin weyn ay ku lahaayeen qabashadda Degmadda Aadan Yabaal.


