Wasiirka amniga gudaha dowladda federaalka Maxamed Axmed Cali Doodishe ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay weerarka Al-Shabaab ku qaadey xalay Hoteel-ka Villa Rossa ee magaaladda Muqdisho.
Wasiirka ayaa la sheegay in jab kasoo gaaray hal lug, Warbixino kale waxay tibaaxayaan in ay jiraan mas’uuliyiin kale oo wax ku noqdey qaar kalana laga soo badbaadiyey goobta.
Al-Shabaab oo si degdeg ah ku sheegatay mas’uuliyadda falkan ayaa tibaaxdey in qaraxa koowaad uu ahaa is-miidaamiyo uu fuliyey naftii-halige saarnaa baabuur laga soo buuxiye walxo qarxa.
Weerarka loogu daatay Villa Rossa ee Muqdisho ayaa duulaankii saddexaad oo toos ah oo dabley Shabaab ah ay ku galaan Hotel tan iyo markii la doortey hogaanka cusub ee dowladda Soomaaliya bishii May, 15, sanadkan 2022.
