Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.
Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS.
Kulankan ayaa maanta oo ku beegan 15-ka Nofemebar lagu wadaa inuu furmo.
Kulanka ayaa daarran anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

