Qarax Ka Dhacay bartamaha Magaalada Istanbul, ee Dalka Turkiga

0

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay 53 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalka Turkiga.

Qaraxa ayaa ka dhacay waddo laga dukaameysto oo ku taal fagaaraha Taksim, sida uu sheegay barasaabka magaalada Cali Yerlikaya.

Ma cadda waxa sababay qaraxan ay dadka ku dhinteen. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dambiilayaasha la ciqaabi doono.

ciidamo aad u badan ayaa la geeyay agagaarka waddada Istiklal, oo imika ay booliiska xireen.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ku wareegayay dusha sare iyadoo gawaarida gurmadka degdega ay halkaasi gaareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here