Xisbiyada Somaliland oo Ku Dhawaaqey in Aysan Muuse Biixi Madaxweyne u Aqoonsaneyn

0

Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo shir u socdey ayaa xalay soo saarey go’aamo aad u adag, kadib markii muddo xileedkii uu ka dhamaadey Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku keyd 13 Nofeembar 2022.

Musharaxa xibsiga mucaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo uu garab taagan yahay guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ayaa warsaxaafadeedka akhriyey waxaana uu sheegay in Muuse Biixi Cabdi dalka ku hoggaamiyey hoog iyo halaag, dadkii diidey muddo kororsigiisana uu ka dhigey mid u xiro, mid uu dilo, iyo mid uu cayriyo, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in ay shacabki doortey Madaxweyne Biixi ay u sheegayaan in mudadadii aad doorateen ay ka dhamaatey waxa uu maanta xafiiska ku joogana ay tahay sharci darro.

Ilaa shan qodob ayaa xisbiyada mucaaradku isku raacen, waxaana ugu adkaa in aysan maanta laga bilaabo Muuse Biixi Cabdi u aqoonsaneyn in uu yahay Madaxweynaha Somaliland, ayna u aqonsan yihiin nin xafiiska sharci darro ku sii jooga iyo guddomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal lagu xalinaayo arrintan taagan, laakiin ay gelayaan doorasho ay jadwalkeeda lee yihiin kommishanka doorashooyinka oo ay u horeyso tan madaxweynaha.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here