Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Waxaa qeybo kamid ah magaalada Muqdisho laga maqlay jugta qaraxyo iyo hoobiyaal ka dhacay qeybo kamid ah magaalada.

Qaraxii ugu horeeyay oo caawa ismiidaamin ahaa ayaa ka dhacay xerada ciidamada Nacnac ee kutaalla degmada Wadajir, waxaana albaabka xeradaasi la sheegay in uu isku qarxiyay nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray.

Sida aan wararka ku helnay ninka is qarxiyay ayaa dhax galay dhallinyaro saf ugu jirtay in ay galaan gudaha xerada ,kuwaa oo la sheegay in ay doonayeen in loo tababaro kamid noqoshada ciidamada xoogga dalka.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan ismiidaaminta ah, waxaana dadka ku dhaawacmay qaraxa iyo kuwii ku dhintay la geeyay isbitaalo kuyaalla  caasimadda ,

Dhinaca kale qaraxyo la sheegay in ay macmal ahaayeen ayaa  ka dhacay qeybo kamid ah Muqdisho, qaraxyadan ayaana dhawaqooda laga maqlay qeybo badan oo magaalada kamid, waxa ayna qalqal ku abuureen shacabka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here