Baarlamanka Soomaliya oo u Yeeray Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha

0

Gudoonka sare ee Baarlamanka soomaliya ayaa ku wergaliyay wasiirada arrimaha Gudaha iyo Wasiirka amniga in ay hor yimaadaan xildhibaanada baarlamanada baarlamanka soomaliya si wax loogu weydiiyo arrimaha la xariira howlaha wasaaradahooda.

Maalinta Talaadada oo taariikhdu ay ku beegan tahay 16-ka bishan February, ayaa waxaa Wasiirada Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed xuseen Odawaa  iyo wasiirka amniga C/risaaq cumar Maxamed lagu wargeliyay inay yimaadaan Xarunta Golaha Shacabka.

Jeylaani Nuur Iikar, Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad Baarlamaanka Somaliya oo shir Gudoominaayay kulankii ay ku yeeshteen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa labada wasiir ku wargaliyay in ay hor yimaadaan xildhibaanada baarlamanka soomaliya si su’aalo loo weydiiyo.

Arrimaha ugu badan ee wasiiradaan loogu yeeray ayaa lagu sheegay In Xildhibaanada, ay doonayaan inay wax ka ogaadaan cidii soo hindistay in baaritaano la marsiiyo Mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya, maadaama Dastuurka Qaranka uu cadeynaayo inaanan la baari karin Xildhibaanada baarlamanka soomaliya.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan jawaari ayaa dhawaan sheegay in uu raisulwasaaraha soomaliya cumar C/rashiid cali sharmarke kala hadlay in  laga noqdo baaritaanada Xildhibaanada, isla-markaana uu Ra’iisal Wasaaruhu ka aqbalay arintaas.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here