Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saakay xukuno dil ah ku fulisay laba nin oo ka Tirsanaa Al-shabaab.
Shucayb Cabdullaahi Maxamed & Saadaq Cabdi Jabaar Cumar ayaa lagu Fuliyay dil toogasho oo ay Hore ugu Xukuntay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.
Labadaba waxaa lagu helay dambiya dil oo Magaaladda Muqdisho ka dhacay.
Magacyada Axmed & Qoono ayay Caan ku ahaayeen, waxaana ay dagaalyahanadda Xarakadda Alshabaab ka tirsanaayeen ilaa 2014-kii.
Maxakmadda Ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliya ayaa November 14, 2019 Xukunno kala duwan ku riday,labadda shaqsi ee maanta la toogtay iyo laba la socotay.
Eedeysanayaashan ayey maxakaddu ku edeysay in ay ka tirsanayaaen al.Shabaab islamarkaana dilal qorsheysan ay ka geysteen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan galbeedka magaalada oo ay ka howlgali jireen .
Ragga la xukumay ayey tiradoodu aheyd afar dhallinyaro ah oo ay ciidamadu howlgallo kala duwan ku soo qabteen, waxa ayna kala yihiin : Shuceyb Cabdullahi Maxamed, Saadaq Cabdi jabaar Cumar , Maxamed Cusmaan Axmed iyo Ismaaciil Maxamed Aweys.
Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay labada eedeysane ee kala ah : Shuceyb Cabdullahi iyo Saadaq Cabdi jabbaar oo iyagu maxkamaddu sheegtay in ay fuliyeen dilal loo geystay ciidamo iyo dad rayid ah waana kuwa saakay lagu toogtay Muqdisho.
Halka Maxamed Cusmaan Axmed iyo Ismaacil Maxamed Aweys iyaguna lagu xukumay xabsi daa’in madama ay ka garab shaqeynayeen islamarkan ay gacansiinayeen labada gacan ku dhiigle sida ay maxkamaddu sheegtay.

