Duqeynta Ka Dhacday Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Shabeelaha Dhaxe

0

Wararka ka imaanaya Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in halkaas laga maqlay saakay duqeyn culus.

Duqeymaha ayaa la sheegay in ay fuliyeen diyaarado dagaal oo taageeraya ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ee duullaanka ku qaaday deegaankaasi maalintii shalay aheyd, waxaana du qeymaha si gaar ah loola beegsaday goobo fariisimo u ahaa Al Shabaab.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegay in duqeyntaaan lagu beegsanayo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab,madaama ay shalay weerar kusoo qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka ka dhacay deegaankaasi guulo ka sheegtay dowladda iyo Al Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here