Xamsa oo Faray Madaxda iyo Shacabka In Loo Midoobo Dagaalka Al-shabaab

0

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed faray in ay si isku mid ah ugu wada qeyb qaataan dagaal ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dhaqaal ahaan iyo cudud ahaanba loo wajaho nabad-diidka dhibaatada joogtada ah ku haya Shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba farayaa in ay si isku mid ah uga qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah shabaab, Ruux walba dhaqaale ahaan, cudud ahaan iyo niyad ahaanba waa in ay uga wada qeyb-qaataan xoreynta dalkeenna iyo dadkeenna.” Ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Sidoo kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa shacabka ayaa ugu baaqay in ciidanka qaranka lagu garabsiiyo sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa Shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here