Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa aroornimadii saaka xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullahi Cabdi oo bishii May ee 2017 dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Allah ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.
Maxamuud Siraaji oo ah marxuumka walaalki ayaa soo dhaweeyay dilka lagu fuliyay Axmed Cabdullahi Cabdi, sida uu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa hore xukun dil ah ku ridday Axmed C/llaahi Cabdi oo lagu helay inuu dilay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska xukumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre alle ha u naxariistee Cabaas C/llaahi Sheekh Siraaji.
Marxuum Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
Ala ha u Naxariistee Wasiir Cabaas Siraaji, oo 31 jir ahaa, ayaa sidoo kale ahaa wasiirkii ugu da’da yaraa xilligaas, waxa uu kasoo laabtay xerada qaxootiga ee Dhadhaab oo uu ku soo barbaaray.

