Faah-faahino:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafada Ceel-Qalow ee degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhaw masjidka Culusow.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal, qaraxa ayaa  ahaa miino hareeraha laamiga la dhigay, waxaana xilliga qaraxu dhacayay laamiga marayay gaadiid kala duwan iyo sidoo kale mootooyin nuuca bajaajta ah.

Inta la xaqiijiyay qaraxan  ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa 8-qof, halka tiro kalana ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in dhaawacooda culus yahay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Magaaladda Muqdisho, iyo cida la doonayay in lala beegsado.

Dhanka kale Laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa wali ka hadlin qaraxa xalay ka dhacay Magaaladda muqdisho.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here