Dowladda oo Nootaayooyinka Muqdisho Kusoo Rogtay Amar La Xiriira Al-Shabaab

0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ayaa uga digtay maamulada Nootaayooyinka Muqdisho iney Shabaab u gudbiyaan xogta dadka dhulalka iyo guryaba kala gata ee ay iyaga u kala wareejiyaan.

“Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka waxaa soo gaartay cabasho ka timid qaar ka mid ah Dadweynaha Soomaaliyeed, kuwaasoo ka cabanaya in qaar ka mid ah Nootaayooyinka Magaalada Muqdisho ay xogtooda la wadaagaan Al-Shabaab taasoo ah fal dembiyeed weyn,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda

“haddaba, Wasaaraddu waxay u gudbisay Hay’adaha Amniga Qaranka cabashooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo gudbiyeen si baaris loogu sameeyo dhacdooyinkaas. Wasaaradda iyadoo gudaneysa waajibaadkeeda ku qeexan xeerka Nootaayooyinka waxay ruqsadda kala noqoneysaa Nootaayooyinka lagu helo fal-dembiyeedyo lid ku ah sharciga..”

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here