Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Yasooman Ka Dhacay Dowladda oo Ka Hadashay

0

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa 20 tirsan Alshabaab ku dilay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan oo ay saakay soo weerareen.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka siina hayay xogta abaabulka weerarka Shabaab ayaa ka hortagay weerarka  waxaana ay gaarsiiyeen jab kale oo xooggan oo ay adkaan doonto in ay ka soo kabtaan.

Inta lagu jiray hawlgalka ciidanka waxaa ka dhintay 3 askari, shabaabkii weerarka soo qaadayna waxaa ay ka carareen meydadka dhalinyaradii ay soo qaldeen.

Ciidanka oo ku daba jira firxadka shabaabka weerarka soo qaaday ayaa gaaray deegaanadii ay iska soo abaabuleen oo Yasooman u jira 20km waxaana ay ka wadaan hawlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka waxaa ka go’an ciribtirka Al-shabaab oo dhammaan lagu jabiyay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan loogana dilay dagaalyahanadii ugu badnaa.

 

-Dhammadka-

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here