Dowladda oo Sheegtay in Xubno Al-Shabaab Ka Tirsanaa Lagu Dilay Shabeelaha Dhexe

0

Ciidanka gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Buulo Kuuno iyo deegaano kale oo dhaca dhulbeereedka dhinaca waqooyi kaga begaan degmada Balcad, ayaa waxay ku dileen Afar ka tirsan Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hal dhagar qabe, hub iyo gaari ay wateen Shabaab.

Howlgalkaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ciidamadu ay heleen xog la xariirta in tuulooyinka qaar ay cadowgu si dhuumaalaysi ah u tagayaan ayaga oo doonaya dadka beeralayda ah inay xoolo baad ah ka qaataan.

Tan iyo markii ciidamada dowladda ay isku fidiyeen dhammaan deegaanada isku xira degmooyinka Balcad iyo Afgooye isla markaana ciidamadu ay dageen dhulka beeralayda oo Al-Shabaab ay ugu yeeri jirtay Ganacsatada Muqdisho si ay lacago ugu qaadaan ayaa haatan laga dareemayaa isbadal.

Saraakiisha dowladda ayaa uga digay dadka beeralayda ah iyo ganacsatada inay u hoggaansamaan isku dayada Alshabaab ay ku doonayaan wali inay si dhuumaalaysi ah ugu boobaan hantida shacabka Soomaaliyeed”,ayaa lagu yiri warka kasoo bxay Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here