Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in kooxda Boko Xaram ee dalka Negeria ay xarumo ciidankooda lagu tababaro ay ku leedahay soomaaliya.
Dagaal yahanada boko xaram ee ka dagaalo Nigeria waxaa lagu tababaraa soomaaliya ka hor inta aysan dib ugu noqon galbeedka Afrika oo kooxdu ay ka dagaasho sidaasi waxaa yiri madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo qudbad ka jeydiyey magaalada Munich ee dalka Jarmalka.
Soomaaliya, waxaa ay dagaal kula jirtaa musuq maasuq , argagaxiso waxaana ay hada ku talaabsatay xoogaa horumaraa oo aan badneen ayuu axadaan shirka jarmalka ka sheegay mudane xasan sheikh .
“ iyadoo aysan soomaaliya noqon dal xasiloon , guud ahaan geeska Afrika waxa uu sii ahaan doonaa mid aan xasilooni ka jirin iyo qaarada oo idil , taasna waxaa cadeymo iyo xaqiijin ugu filan sida boko xaram ay soomaaliya uga furatay xarumo lagu tababarto ka hor inta aysan Nigeria ku laabanin ayuu yiri madaxweyne Xasan”.
“Argagaxisado guud ahaan waa kuwa isku xiran , waxa ay isku raacsan yihiin ururo ahaan, taasna waa mida aan ka dooneyno dunida in anaguna aan isku xirnaano” ,”ayuu madaxweynaha ku yiri qudbad ingiriisi ah oo uu jeydiyey axadaan maanta ah”.
Soomaaliya waxaa hada ka jira Al-shabaab waxaana ay Al-shabaab u kala jabeyn laba garab , garabka hore ayaa ku xiran urur weynaha Al-qaacida halka kan dambana ay ku xiran yihiin ururka dowlada islaamiga ee ciraq iyo Syria ka dhisan ee Daacish loo yaqaan.

