Cali Jeyte;-“Al-shabaab Bartilmaameedkooda Waxa uu ahaa in ay Aniga I Dilaan”,!

0

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in qaraxyadii lagu weeraray Xerada Lama Galaay ee Magaalada Beledweyne uu bartilmaameedkoodu ahaa in isaga lagu dilo, balse uu Alle ka badbaadiyay.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in Dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab qorshahooda koowaad uu ahaa in ay isaga qaraxa ku dilaan balse, uusan alle qadarin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo Gudoomiye Kuxigeenka Baarlamaankuba ay labaduba ka badbaadeen qaraxyadaasi.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ka dhacay magaaladda Baladweyne in loosoo qaaday magaaladda Muqdisho.

Masuuliyiintan qaraxyada ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakariye Maxamed Axmednuur (Hurre), Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadeey.

Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyadda ka dhacay Magaaladda Baladweyne.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here