Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-shabaab

0

Taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa ka hadlay duqeyn cirka ah oo lagu qaaday Al-Shabaab, taasoo ka dhacday meel u dhow degmada Jilib, oo qiyaastii 370 KM dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay In duqeynta lagu dilay Sarkaal  ka tirsan Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Dowladda Maraykanka ma sheegin magaca sarkaalka lagu dilay duqaynta, balse waxay sheegtay inay macluumaad dheeri ah soo saaridoonto.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgal ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022 lagu diley Cabdullaahi Nadiir oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Alshabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here