Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hub iyo saanad ciidan ka dalbaday dowladda Itoobiya.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo kamid ah wefdiga madaxweynaha ku wehlinaya safarka Itoobiya ayaa sheegay in ay dalkaas ka raadinayaan kaalmo hub iyo saanad ah oo lagu wajaho dagaalka Al-shabaab.
“Madaxweynuhu wuxuu ku baaqay dagaal, shacabka oo ka jawaabaya baaqiisa ayaa hubka qaatay, hadda madaxweynuhu wuxuu dalka Itoobiya ka raadinayaa kaalmo dhanka dagaalka ah, Itoobiya waxay ka mid tahay wadamada hubka sameeya,” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad
Wadahadalada maalinkii koowaad ee shalay oo ahaa intooda badan is xogwareysiga labada hoggaamiye iyo wanaajinta xiriirka labada dal oo mugdi galay wixii ka danbeeyay markii uu taalda yimid madaxweyne Xasan, Masarna heshiis la soo saxiixsay, balse maanta ayaa la guda galayaa arrimaha ugu culus.

