Dagaalyahan Ka Tirsanaa Al-shabaab oo Isku Soo Dhiibay Galmudug

0

Cabdullaahi Cali Xuseen (Cali qoodaar) oo ah wiil da’yar oo ay Al- shabaab kasoo Askareeyeen magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee uu fadhigoodu yahay degaanka Dheghaye.

Saraakiisha ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa sheegay inay jiraan saraakiil kala duwan oo lasoo xariiraya, kuwaas oo doonaya inay mar uun kasoo baxaan askarta ay ka barbar dagaallamaan,

Bilihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay ragga ka tirsan Al-shabaab ee isa soo dhiibaya, markii ay dagaallo xooggan kala kulmeen Ciidanka xoogga dalka, Daraawiishta maamul goboleedyada iyo dadka shacabka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here