Ciidanka xoogga ayaa gubay gaari Cabdile ah (land cruiser pickup) oo ay Al-shabaab kaga carareen deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayay sidoo kale Ciidanka kumaandooska Danab ku dileen 11 ka tirsan dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Gobollada ka wada howlgallo loogu soo horjeedo Al-shabaab.
Howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab ee wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, waxa ayna ciidamada xalay galeen deegaanka Buq-aqable oo Al Shabaab ku lahaayeen fariisim muhiim ah.

