Faah-faahin;-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax saakay ka dhacay magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan oo uu fuliyay nin isku soo xirey waxybaaha qarxa ayaa beegsaday dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka oo xilligaas lagu diiwaangelinayey xero Nacnac Degmadda Wadajir ee Magaaladda muqdisho.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimashada illaa 10 ruux iyo dhaawacba uu sababay qaraxaasi ismiidaaminta ah,sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa wada baritaano kala duwan, mana jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here