Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Nabadoon xalay lagu dilay Magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadd ka tirsan degmadda Dharkeynley ee Gobolka Banaadir.
Kooxo bastooladdo ku hubeysan ayaa toogtay Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad (Seefle) , oo kamid ahaa Nabadoonadda Soomaaliyeed.
Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad (Seefle), ayaa ahaa nin afgaaban oo cibaado badan sida ay sheegeen dadka aqoonta u leh.
Ragii ka dambeeyay dilka ayaa isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay,waxaana saakay ka socda Degmaddda Dharkinley ee Magaaladda Muqdisho howlgalo lagu baadi-goobayo ragii ka dambeeyay dilka.
Ma jirto cid sheegatay dilka nabadoonka inkastoo dilalka noocan ah looga bartay Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowlada Somaliya.
Marxuum Nabadoon Cabdullaahi Nuur Garaad (Seefle), ayaa kasoo jeeday Gobolka Hiiiraan,waxaana loo badinayaa in loo beegsaday dagaaladda ka socda Hiiraan ee u dhaxeeya shacabka Hiiraan iyo shabaab.
Horey Al-shabaab ayaa u dilay Nabadoono kasoo jeeday Galmudug gaar ahaan qabaabilka daga degmadda Baxdo ee Gobolka Galgaduud oo dhawaan ay ku dagaalamay dadka deegaanka iyo dagaalyahanadda Xarakadda Al-shabaab.
Shabaab ayaa deegaankaas loogu dilay dhowr dagaalyahan,waxayna dalbadeen in la keeno diyadda ragii la dilay,balse waxay diidmo kala kulmeen qabiilka daga Degmadda Baxdo,taasi oo keentay in ay bilaabaan beegsiga ragga ugu saameynta badnaa.
Hogaanka Al-shabaab ayaa dhawaan sheegay in ay beegsan doonaan qabiiladda Dowladda Soomaaliya ku gacan siinaya dagaaladda ka socda goboladda Hiirana iyo Galgaduud ee Dowladd goboleedyadda Hir-shabeelle iyo Galmudug.
Afhayeenka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa meelo fagaare ah ka sheegay in ay bilaabayaan beegsiga qabiilo gaar ah oo dagaalka haatan qeybta ka ah.

