Dadka deegaanka oo kaashanaya maamulka gobolka Hiiraan iyo Ciidanka xoogga ayaa gacanta ku dhigay deegaanka Booco oo Qiyaastii 45 km dhanka Koofur Bari ka jirta magaaladda Baledweyne ee gobolka Hiiraan.
Deegaanka Booco ayaa ahaa deegaan ay Al-Shabaab si weyn dadka ugu dhibaateeyn jireen sida Dowladda sheegtay waxaana ku yaalay saldhigyo iyo maxkamad ay dadka uga qaadan jireen lacago.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa u xaqiijiyay in si buuxda ay gacanta ugu haayaan deegaanka Booco, waxaa uu xusay in kooxaha Al-Shabaab ay isaga baxsadeen goobta.
Bishii Juun ayaa dad shacab ah oo is abaabulay iyo ciidan ka tirsan kuwa xoogga oo ka carooday dilka nabadoon Cali Macallin Maxamuud (Cali Dheere) oo 27-kii May Al-Shabaab ay ku dishay magaaladda Baledweyne ayaa weerar ku qaaday deegaankaan waxaa ay jab xooggan kusoo gaarsiiyeen Al shabaab.

