Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya shacabka deegaanka ayaa la wareegay Deeganka Sina-dhaqo oo Dhuusamareeb Dhanka koonfureed kaga beegan 35km.
Tiro ka tirsan Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab ayaa lagu dilay Howlgalkii saakay ciidanku ka sameyeen Sina-dhaqo .
Ciidanka ayaa sidoo kale gaaray Deegaanka Labidulle oo qiyaastii 15 u jirta Sinidhaqo iyaga oo ku sii raad jooga firxadka Al-Shabaab.




