Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in Al-Shabaab Laga Dilay 45-xubnood

0

Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda in ka badan 45 ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkaan oo wali socda ayay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doontaa marka uu soo dhammaado.

Dhanka kale Ciidamada Xoogga Dalka ayaa toogtay sagaal ka tirsan Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan.

Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada Dowladda.

Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah Al-Shabaab, waxaan laga saaray Shabaab ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here