Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaalida ee Washington iyo agagaaraheeda, iyo xubno ka socday jaaliyadda Soomaalida ee guud ahaan gobollada Mareykanka iyo Canada.
Madaxweynaha ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay kullankas ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, la dagaalanka iyo ciribtirka Al-Shabaab, abaaraha, ujeedada safarkiisa Washington iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa ka hadlay sida laga yeelayo gooni isku taagga maamulka Somaliland iyo sida loo macaamilayo maamulkaas.
Waxaana uu sheegay inay dowladiisa ay ka go’an tahay inaysan aqbalin in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya inteeda kale.
“Si cad ayaan u sheegeynaa gooni isku taag nooc walba oo uu yahay iyo qaab kasta oo uu ku yimaado ma aqbaleyno, haddii ay ahaan laheyd dhaqaale ama horumarin, midnimo ayaa na deeqda” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

