Ciidamadda Dowladda oo La Wareegay Maxkamadii Al-shabaab ee Shabeelaha Hoose

0

Ciidamada gaarka ah ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50, oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Maxkamad.

Ciidamada ayaa burburiyay fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Al-shabaab ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda.

Dowladda Somalia ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Al-shabaab ay horay u joogeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here