Shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa mamta galinta dambe ka furmaya Magaaladda Muqdisho.
Shirkan oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka ayaa inta uu socdo waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha Abaaraha iyo ciribtirka al-Shabaab.
Shirka oo laba cisho ah ayaa la filayaa in la soo gaba-gabeeyo maalinimada beri ah, iyadoo 13-ka bishana uu madaxweynaha ku wajahan yahay dalka Kenya, si uu uga qeyb galo caleema saarka madaxweyne William Rutto.
Lama oga sida ay dhinacyadan shireysa heshiis uga gaari karaan arrimaha ugua dag ee horyaala shirka ee ah arrinta qeybsiga dhaqaalaha oo ay ku heshiin waayeen wasiirka maaliyada Soomaaliya iyo wasiirada maaliyada dowlad goboleedyada oo maalmahan oo dhan Muqdisho ku shirsanaa.

