Axmed Madoobe oo Soo Gaaray Muqdisho,Shir oo Muqdisho Ka Furmaya

0

Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka,xildhibaano labada gole, masuuliyiin ka socotay xafiisyada madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal Wasaaraha ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho.

Shirkan deg dega ah oo aan hore u qorsheysneyn ayaa la doonayaa in xal looga gaaro muranka dhinaca maaliyada ee u dhexeeya dowladda iyo maamulada, taasoo keentay in dhamaan maamul goboleedyada ay xiriirka u jaraan wasaarada Maaliyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan deg deg ah Muqdisho ugu yeeray madaxda, waxaana la filayaa iney caasimadda soo gaaraan kahor Arbacada oo madaxweynaha la filayo inuu u dhoofo Nairobi, si uu uga qeyb galo caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalla Kenya William Rutto.

Shirkaan ayaa furmi doono 11- iyo 12-ka bishaan September,wuxuuna qorshaha ahaa in shirka uu ka dhaco Magaaladda Garoowe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here