Akhriso:-Shirkii Wasaaradaha Maaliyadda oo La Isku Fahmi Waayay

0

Shirkii u dhaxeeyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasiiradda Maaliyadda Dowladd Goboleedyadda dalka ka jira ayaa kusoo dhamaaday fashil.

Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur iyo Wasiiradda Maaliyadda Dowladd Goboleedyadda ayaa ku heshiin waayay qeybsiga Dhaqaalaha ka yimaada Bangiga Aduunka.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan,shirka Madasha Wadatashiga oo la filayo in uu dhawaan ka  qabsoomo Magaaladda Muqdisho ayaa qodobkaan noqon doonaa midka hareyn doona.

Madaxda dawladd gobaleedyadda qaar ayaa maanta imaan doono Magaaladda Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni C/laahi Deni ayaa la sheegay in uu dadaal badan uu galinayo in shirkaan uu furmo  si loo qaniciyo madaxda dawlad gobaleedyada qaarkood.

Dhanka kale Wakiilada caalamiga ah ayaa dhankooda dadaal-galinaya qabsoomida shirkan iyo qodobo mideysan kasoo baxaan.

Dawlad gobaleedyada Soomaaliya ayaa joojiyey dhawaan wada shaqeynta ay lalahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiiradda Maaliyada Heer Dawladd gobaleedyadda ayaa ku eedeeyey Wasaaradda Federaalka in ay garab martay dhammaan Heshiisyadii ay kuwada shaqeynayeen 5-tii sanno ee lasoo dhaafay, kaas oo keenay in Hanaanka Deyn Cafinta wax badan horumar ah laga gaaray.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here