Xasan Nuur Daleel magaciisa afgarashadana uu yahay Sharmaake iyo Maxamed Nuur Xasan oo kamid ahaa Al-shabaab ayaa isku dhiibay Ciidamadda dowladda iyo Daraawiishta Galmudug ee koonfurta Gobolka mudug ku sugan.
Saraakiiisha Ciidanka ayaa sheegay in labada ruux ay isku soo dhiibeen Ciidanka Xoogga iyo Daraawiishta Galmudug ee ku sugan Koofurta Gobolka Mudug.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa tilmaamay raggaan ay xiriiro kala duwan la soo sameyeen Ciidanka, isla markaasna ay u suura gashay in ay ka soo baxsadaan Al-shabaab.
Lama sheegin howlaha ay raggan u qaban jireen Al-Shabaab iyo sababta ku kalistay iney ka soo goostaan kooxdii ay ka tirsanaayeen.

