Ciidamadda Dowladda iyo Dadka Deegaanka oo Shabaab Kala Wareegay Deegaano

0

Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya  oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Howlgalo waxaa ay ka sameyeen dhulka Buuraleeyda ah ee dhaca waqooyiga gobolka Hiiraan,halkas oo ay ku dhuumaaleysanayeen  Al-Shabaab.

Howlgalkaan oo intiisa badan ka dhacay dhulka buuralayda ah ee ku teedsan wadada Laamiga ah ee isku xirta gobolada dhexe,waxaa halkaasi Shabaab looga dilay tiro kamid ah horjoogayasha Shabaab.

Howlgalkaasi  ciidan ayaa lagu  qabsaday Saldhigyo  gabaad u ahaa Shabaab, waxaana halkaasi lagu soo furtay Xoolo isugu jira Ari Lo’ iyo Geel oo gaaraya Shan Bolol oo Neef ,kuwaas oo si baad ah looga soo uruuriyay dadka reer miyiga ah.

Sarakiisha Ciidamada hogaaminaayo ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalada lagu cirib tiraayo Shaabaab ay sii wadi doonaan.

Degaano badan oo hoos taga gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud waxaa ka socda dagaalo ka dhan ah Shabaab kaasi oo suuro-gal ka dhigay in dad badan looga dilo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here