
Maxkamada ugu sareysa ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta ku dhawaaqday go’aanka kiiskii ka dhanka ahaa natiijadii doorashada madaxwaynanimada ee uu u gudbiyay rai’sul wsaarihii hore ee Kenya Raila Odinga. Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo markii shanaad isku dayaya inuu madaxweyne noqdo, ayaa sheegay in guushii dirqiga ahayd ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto ay ahayd natiijada ku shubasho baahsan.
Afar ka tirsan toddobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa qaadacay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati, iyagoo sheegay in tirinta codadku ay ahayd mid mad madow uu ku jiray.
Maxkamadda ugu sarreysan Kenya ayaa taariikh sameysay doorashadii sanadkii 2017 iyadoo laashay guushii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ka guuleystay Odinga iyadoo sababta ku sheegtay in kahladaad ay ka jireen hannaanka doorashada.
Maxkamadda ayaa xilligaas amartay in doorasho ku celis ah la qabto, balse waxaa diiday in doorashadaasi ku celiska uu ak qeyb galo Raila Odinga.
