Al-shabaab ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay abaabulayso Qaabilka Soomaaliyeed si ay dagaal kala hortagaan Al-shabaab.
Afhayeenka kooxda Alshabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in aysan dagaal kula jirin qabaailada Soomaaliyeed,balse, wuxuu tilmaamay inuu socdo qorshe ay iska kaashanayaan dowladda iyo odayaasha.
Afhayeenka Alshabaab ayaa wuxuu si toos ah ugu hanjabay qabiilkii dowladda soo raaca ee hubka soo qaata oo garab siiya dowladda, inay ula dagaalamayaan, si lamid ah dowladda iyo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.
Al-shabaab ayaa todobaadkaan gubay gawaari ay saarnaayeen dad shacab ah Gobolka Hiiraan,waxayna ku eedeeyeen in ay ahaayeen Mucawiisley.
falkaas waxaa ku dhintay 23-ruux oo caruur ay ku jirtay.

