Al-shabaab ayaa sheegtay ma’uuliyadda qarax iyo gubitaanka gawaari dad shacab ay la socdeen oo raashin waday oo ka dhacay deegaanka Afar-irdood ee u dhexeeya degmooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala beegdsaday gaadiid ka soo baxay degmada Baladweyne, kaas oo sahay iyo saanado u waday Ciidamadda loogu yeero Macawiisleeyda ee colaada ka wada qaybo kamid ah wilaayada.
Inta la xaqiijiyay 20 kamid ah maleeshiyadii Macawiislayda iyo xubnihii gurmadka u waday ayaa goobta lagu dilay, waxaa sidoo kale la gubay 8 kamid ah gaadiidkii ay wateen, halka qaar kamid ah gaadiidkiina ay gacanta u galeen ciidamada Al-Shabaab.

