Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Falkii Lagu Dilay 20-Ruux oo Shacab ahaa

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay weerarka wuxuushnimada ah ee Al-shabaab ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu  hoosta ka xariiqday xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda.

Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in Al-shabaab ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda Al-shabaab cadowga ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.

Waxaa naga go’an in Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka Shabaab, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in Shabaab dalka laga xoreeyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here