Dagaalyaano ka Tirsan Xarakadda Al-sabaab ayaa waddada u galay gaadiid waday shixnado raashiin ah oo isaga kala gooshayay magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Ku dhawaad 15-gaari oo siday raashiin iyo dad rakaab ah ayay Al-Shabaab dab qabad siiyeen halka dadkii la socday ay laayeen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay gubeen gaadiid siday shixnado ganacsi, kuwaas oo ku sii socday degmada Maxaas iyo deegaanada ku xeeran kana soo baxay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

