Fiqi:-“Dowladda Federaalka Weerar Kuma Ahan Koonfur Galbeed”,!

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay in weerar lagu yahay Maamul goboleedyadda dalka ka jira.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wararka sheegaya in Maamulada dalka ka jira weerar lagu yahay ay yihiin   kuwa aan jirin.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah usoo qaatay maamulka Koonfur Galbeed oo kamid ah maamulada aadka ugu dhowaa dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo, kana soo horjeeday siyaasiyiintii mucaaradka ee uu madaxweyne xasan Sheikh kamid ahaa.

Fiqi wuxuu sheegay maamulka koonfur Galbeed in dowladdu wada shaqayn dhow la leedahay islamarkaana uu yahay meelaha uu Shabaabku dhibaatada ka wado ee ay dowladdu doonayso inay gacan ka geysato sidii loosoo afjari lahaa.

 

 

 

 

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here