Hoobiyayaal Saakay Laga Maqlay Xaafaddo Kamid ah Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhawaqa Hoobiyayaal saakay aroortii laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Hoobiyayaasha oo gaaray ilaa dhowr xabo ayaa ku dhacay agagaarka madaxtooyadda Soomaaliya,halka kuwa kalana ay ku dhaceyn guri dad shacab ay jiifeen oo ku yaala Degmadda Xamar Weyne ee Gobolka banaadir.

Mid ka mid ah Hoobiyeyaashan ayaa ku dhacay guri ku yaala xaafadda Casa Italia ee Degmada Xamar weyne, hal ruux ayaa ku geeriyooday waxaana ku dhaawacmay saddex kale.

Sidoo kale, Xaafadda Wiil-waal ee degmada Boondheere guri ku yaalla oo hoobiye kale uu ku dhacay ayuu hal qof ku dhaawacmay.

Warar kale ayaa sheegaya in hoobiye ku dhacay Masaajid ku yaala xaafadda Busley ee degmada Boondheere uu hal qof ku dhaawacmay.

Ilaa haatan lama oga halka laga tuuray hoobiyayaasha saakay laga maqlay Xaafaddo kamid ah magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here