Cabdi Aadan:-“Xasan Shiikh Hanoo Sheego Caruurteena Nolol iyo Geeri”,!+Dhageyso

0

Waalidiinta Caruurtii askarnimada loogu qaaday dalka Eritrea 3-sano ka hor ayaa rajo xumo ka muujiyay mar kale in caruurtooda ay dib ula midoobaan.

Mid kamid ah waalidiinta caruurta loo qaaday dalka Eritrea oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay safarki Madaxweyne xasan sheikh Maxamuud uu ku tagay dalkaas ay rajo badan soo galisay,balse haatan ay rajo xumo qabaan.

Cabdi aadan oo kamid ah waalidiinta caruurtooda loo qaaday dalka Eritrea oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh uu lasoo kulmay dhalinyaro si gaar ah loosoo xulay ayna wali murugo la joogaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sidoo kale uu sheegay in maalmihii hore caruurtooda wada xiriir jireen,balse haatan aysan ogeyn waxa ay ku sugan yihiin.

Dhalinyarada loogu qaaday tababarka Eretria, ayaa muddo dheer waxaa hareeyay su’aalo badan oo ku saabsan badqabkooda, iyadoo dadka qaar ay sheegeen in laga yaabo in qaarkood ay ka qeybgaleen dagaalkii Ethiopia.

Waalidiinta qaar ayaa dhowr jeer banaanbax ka dhigay wadooyinka magaalada Muqdisho iyaga oo dalbaayay xogta la xiriira caruurtooda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafladdii xil-wareejinta ku wareejiyay gal gaar ah oo la xariira xogta dhallinyarada ciidanka ah ee tababarka loogu diray Eretria.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here